Madaxweyne Xaaf oo wareegto deg-deg ah kasoo saaray arrin ka taagan Hobyo (AKHRISO)

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu sheegay in gebi ahaan la joojiyay iibinta iyo bixinta dhulalka bannaan ee aan sharciga laheyn degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale, wareegtadaasi ayaa lagu wargeliyay guddoomiyaha degmada Hobyo in illaa iyo amar dambe la joojiyay iibinta iyo bixinta dhulalka bannaan ee aan sharciga laheyn degmadaas, halkaasoo ay muddooyinkii dambe kusoo kordheen bixinta iyo kala iibsiga dhulalka.

Dhinaca kale, dadka ku howlan bixinta dhulalka aan sharciga laheyn ayaa lagu amray inay joojiyan arrimahaasi, hadii kale ay iyaga qaadi doonnaan wixii dhibaato ah oo ka yimaada.

Hoos ka aqriso wareegtada uu soo saaray madaxweyne Xaaf

error: Content is protected !!