Dowladda oo amar kasoo saartay dadka ka ganacsada cunnooyinka gargaarka ah (AKHRISO)

Warqad qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in saraakiisha wasaaradaas ay xaqiijiyeen in suuqyadda magaalada Muqdisho lagu kala iibsado cunooyinka gargaar ahaan loo keeno dalka Soomaaliya.

Cunnooyinka sida gaarka ah suuqyada magaalada Muqdisho lagu kala gato ayaa lagu warqada lagu sheegay inay yihiin digir, buskud, malmalaato, haruur iyo cunnooyinka loogu talo galay carruurta ay nafaqo-daradda heyso.

Nuqul ka mid ah warqadaasi qoraalka ah oo nasoo gaartay ayaa ku saxiixnaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka ahna ku-simaha wasiirka Xuseen Cismaan Xuseen.

Ugu dambeyn, saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliya ayaa lagu amray inay soo xiraan dadka ka ganacsada cunnooyinkaas.

error: Content is protected !!