Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duuleedka degmada Baraawe

Wararka naga soo gaaraya duuleedka degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax aad u xoogan geystay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi oo si weyn looga dareemay gudaha degmada Baraawe iyo nawaaxigeeda ayaa la sheegayaa inuu ahaa miino nuuca dhulka lagu aasay, waxaana ay la kacday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, kaas oo khasaare lixaad leh uu ka dhashay.

Illaa 2 qof ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhinteen, halka tiro intaasi ka badanne ay ku dhaawacantay, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka halkaas.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa la sheegayaa inay xaaladooda caafimaad aad u liidato.

Inta badan waddooyinka gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo miino oo dhulka loogu aaso ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, hase ahaatee waxay qaraxyadaasi khasaaro lixaad leh kasoo gaartaa dadka shacabka ah.

error: Content is protected !!