Baarlamaanka K/Galbeed oo go’aan kasoo saaray xilliga doorashada madaxweynaha maamulkaas

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isku raacay in dhammaadka sanadkaan 2018-ka la qabto doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Kullan ay xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed shalay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa lagu go’aamiyay xilliga rasmiga ah oo ay dhici doonto doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo waqtigiisa haatan sii dhammaanayo.

Xildhibaanada ayaa isku raacay inay doorashadaasi dhacdo bisha November 17-keeda ee sanadkan 2018-ka.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay doorteen ergo iyo odayaal dhaqameed islamarkaana ay ansixiyeen illaa 110 xildhibaan ayaa la sheegayaa inuu markale isku soo sharixi doonto doorashada dhici doonta dhammaadka sanadkaan ee 2018-ka.

error: Content is protected !!