Hooyo iyo gabar ay dhashay oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Dabley hubeysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku rasaaseeyay hooyo iyo gabadheeda oo fadhiyay gurigooda.

Dableyda falkaasi ka dambeeyay ayaa la sheegayaa inay goobta ka baxsadeen, kadib markii ay dileen labadaasi haween.

Dilkaan oo ay aad uga wada naxeen dadka ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa illaa iyo haatan la ogeyn sababta ka dambeysay.

Ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo oo dilka kadib goobta soo gaaray ayaa wadda baaritaan lagu raadinayo dableydii falkaasi ka dambeeyay.

error: Content is protected !!