Kulan aan caadi ahayn oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir

Kulan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa la isugu keenay xubno ka mida Golaha wasiirada,Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga.

Kulankaan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa la sheegay in looga hadalay xaaladda Amniga iyo Caasimadda Muqdisho, iyadoona shirkaasi ay goobjoog ka ahaayeen wasiiro, taliyeyaasha ciidamada, maamulka gobolka Banadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka oo u muuqday bandhig ayuu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow inay xubnaha golaha wasiirada iyo hay’adaha amniga uga wadahadleen amniga iyo horumarinta caasimadda.

“Kulankasi waa mid ay ku kala war-qaataan maamulka gobolka, golaha wasiirrada iyo saraakiisha amniga, ujeedkiisuna waa in la iskula xisaabtamo howlaha qaranka loo hayo, horeyna loo wado shaqada si guul looga gaaro amniga iyo sidoo kale in shacabka loo dhaweeyo dawladnimada, waxaan si gaar ah u xusayaa golaha wasiirrada horteena fadhiya mid walba waxuu ku qoran yahay degmo kamid ah 17ka degmo ee caasimadda oo warbixinta xaaladdooda u gudbiyaa golaha uu ka tirsan yahay.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli hay’addaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ay labo jibaareen qorshaha suggida ammaanka magaalada Muqdisho iyo ka hortagga falalkii Al-shabaab ay ka geysan jireen magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!