Saraakiil boolis ah oo loo xiray qaraxii shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa

Wararka laga helayo magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiil boolis ah loo xirxiray qarixii shalay ka dhacay magaalada, kaas oo lala beegsaday banaanbax lagu taageerayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markaasi ku sugnaa fagaaraha Meskel.

Sagaal qof oo isugu jira saraakiil iyo askar boolis ah ayaa loo xiray falkaan, waxaana saraakiishaasi ka mid ah Girma Kassa oo ahaa taliye ku xigeenkii booliska magaalada Addis Ababa, iyadoo uu weli socdo baaritaan xoog leh oo lagu raadinayo ciddii qaraxa ka dambeysay.

Wasiirka xiriirka dowladda ee Itoobiya Axmed Shede ayaa sheegay in baaritaanka uu weli socda, wixii kasoo baxane lala wadaagi doono shacabka, iyadoo shilkii qaraxa ahaa ee dhacay ku tilmaamay mid ku yimid dayac dhinaca amniga ah.

Dhinaca kale, wasaaradda caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa xaqiijisay in qof kale oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay uu ku dhintay isbitaalka, iyadoo tirada dhimashada qaraxa ay hadda gaartay 2 qof, halka dhaawac uu yahay 156 oo 5 kamid ah uu dhaawacyoodu halis yahay.

error: Content is protected !!