Siyaasi Xuseen Caydiid oo ka hadlay qorshaha Itoobiya iyo dekadaha dalka Soomaaliya

Siyaasi Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo mar soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha gudaha xilligii dowladdii Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay qorshaha Itoobiya iyo dekadaha dalka, kaas oo uu sheegay inaysan aheyn wax cusub, islamarkaana dhowr mar hore ay Itoobiya arrinkaasi isku dayday.

“Hadda kahor hadalka aan iri ee Itoobiya iyo anaga hal dal ayaan noqonaynaa, waxaan soomali ku tusinaynay in nala qabsaday islamarkiina waan is-casilay, waxaana ka dagay casmara, balse Soomaalidii shalay joogtay markaan la hadlay way garowsadeen, wayna difaacdeen dalkooda kuwaanse maanta iyagaa lagarabaa in dalkooda difaacdaan.

Sidoo kale, Xuseen Caydiid oo mar ka hadlayey qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso inay la wareegto dekado ka mid ah Soomaaliya maadaama aysan laheyn wax dekad ah ayuu sheegay in Itoobiya ay u qoran tahay in dakadaheena la wareegaan.

Si kastaba, hadalka siyaasiga Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa ku soo aadayaa xilli dhaliil iyo shaki laga muujiyey heshiiskii 16-ka Bishaan ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo ahaa in Itoobiya maalgashato 4 ka mid ah dekadaha Soomaaliya.

error: Content is protected !!