Tiro maxaabiis oo laga sii daayay xabsiyada magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Jubbaland uu xabsiga kasii daayey tiro maxaabiis ah oo ku xirnaa xabsiyada magaalada Kismaayo.

Maxaabiistaas oo gaarayay illaa 46 maxbuus ayaa maanta laga sii daayay xabsiyada magaalada, kuwaas oo loo heystay dambiyo kala duwan.

Maxaabiistan ayaa lagu sii daayey cafis madaxweyne oo uu u fidiyey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

error: Content is protected !!