Jeneraal Gabre oo laga eryay shaqadii xafiiska urur goboleedka IGAD (AKHRISO)

Qoraal kasoo baxay urur goboleedka IGAD ayaa lagu shaaciyay Korneel Gebregziabher Alemseged Abraha oo ka mid ahaa la taliyeyaasha madaxda urur goboleedka IGAD inuusan ka mid aheyn shaqaalaha ururkaasi, laga bilaabo maanta oo ay tahay 25ka bisha June ee 2018ka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay Korneel Gabre inuusan wax fasax ah u haysanin inuu wakiil ahaan u matalo urur goboleedka IGAD, islamarkaana ururka aanay wax shaqo ah ku lahayn.

Warqada oo sida muuqata ku saxiixan xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin, ayaa sidoo kale lagu wargeliyay Korneel Gabre in wixii waraaqo iyo qalab ah ee uu haayo inuu si deg deg ah u wareejiyo.

Si kastaba, Korneel Gabre oo asal ahaan kasoo jeedda dalka Itoobiya ayaa dhowr jeer hore lagu eedeeyay inuu yahay shaqsi ku dhexmilan siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana jahwareer ka dhex abuuro siyaasiyiinta iyo madaxda dalka.

error: Content is protected !!