Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta la kulmi doonno madaxweynaha Rwanda

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo gelinkii dambe shalay safar aan horey loo sii shaacin ku gaaray dalka Rwanda ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan la yeesho madaxweynaha dalkaas Paul Kigame.

Madaxweynaha dalka Rwanda ahna guddoomiyaha Midowga Afrika Paul Kigame iyo ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka wada hadli doonna qodobo ay ka mid yihiin xariirka labada dal iyo sidii loo joogteyn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midowga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isla soo qaadi doonno arrimaha amniga, maadaama dowladda federaalka Soomaaliya ay haatan u diyaar garoobeyso sidii ciidamadeeda amniga dalka u gala wareegi lahaayeen kuwa AMISOM.

Safarka ra’iisul wasaare Kheyre ee dalka Rwanda oo ahaa mid deg deg ah ayaa sida la sheegay qaadan doonta muddo hal maalin ah, iyadoona qodobada kasoo baxa kulanka labadaasi mas’uul dib laga shaacin doonno.

error: Content is protected !!