Shan qof oo lagu dilay deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe (SAWIRO)

Maleeshiyaad hubeysan oo aan la garanayn ayaa la sheegayaa inay rasaas ooda kaga qaadeen gaari Homey ah oo maraayay meel u dhaw deegaanka Boos-Dacaar oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Sh/dhexe.

Illaa 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay rasaastaasi ku geeriyootay, iyadoona sidoo kale tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacantay.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa darawalkii waday gaariga la rasaaseeyay, kaas oo lagu magacaabo Xuseen Xasan Shaarax, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale, 5-ta qof ee geeriyoootay ayaa la sheegayaa inay 4 ka mid ah ahaayeen ilmo adeero, halka ruuxa kalena uu iyaga la socday.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe oo gaaray goobta ay dhibaatadaasi ka dhacday ayaa inoo sheegay in arrintani ay salka ku heyso arrimo la xiriira aanooyin qabiil.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo aanooyin qabiil la isku dilo deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

error: Content is protected !!