Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo caawa xiran iyo ciidamo badan oo lagu daadiyay

Waxaa caawa gebi ahaan xiran qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Ciidamo badan oo isugu jira nabad-sugid iyo kuwa boolis ah ayaa caawa lagu daadiyay isgoysyada Sayidka, Dabka, KM4, Banaadir, Zoobe iyo Tarabuunka, kuwaas oo waddooyinka ku gooyay gaadiidka nooca dagaalka ah.

Dhaq-dhaqaaqa gaadiid ee ka jiray waddooyinkaasi ayaa la sheegayaa inuu gebi ahaanba caawa istaagay, sidoo kale ma jiro goob ganacsi ah oo caawa ka furan goobahaas.

Ciidamada ku sugan waddooyinkaasi ayaa muujinaya feejignaan dheeri ah, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa in magaalada Muqdisho ay ka bilaabato dabaal-dega xuska 26-ka June.

26-ka bisha June ayaa ah maalinta calan Soomaaliyeed oo xur ah laga taago gayiga Soomaaliya, waxaana saacadaha soo socdo la qaban doonnaa munaasabado maalintan loogu dabaal degayo.

Dhinaca kale, dad shacab ah oo aad u badan ayaa caawa lagu arkayaa hareeraha waddooyinka xiran, kuwaas oo u lugeynaya guryahooda, maadaama gawaarida loo diiday inay isticmaalaan waddooyinka muhiimka ah.

error: Content is protected !!