Askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Askari ka tirsanaa ciidanka booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay agagaarka isgoyska Siinay ee magaalada Muqdisho, xilli uu ku guddo jiray howlihiisa shaqo.

Labo nin oo ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegayaa in dhowr rasaas ay askarigaasi ku dhufteen, kadibne ay ka qaateen qorigii uu xilligaasi watay.

Dhinaca kale, nimankii dilka u geystay askarigaasi ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobtaasi ka qaaday meydka askariga la dilay.

Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay ama loo soo qabtay dilka askarigaasi, wuxuuna dilkaan kusoo beegmayaa xilli habeenkii xalay koox hubeysan ay degmada X/jajab ku dileen nin dhalinyaro ah, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

error: Content is protected !!