Faahfaahin:- Ganacsade lagu dilay magaalada Muqdisho

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa dabley hubeysan oo habeenkii xalay dil ka geystay xaafadda Sey Biyaano oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in ruuxa dilka loo geystay uu ahaa nin ganacsade caan ka ah dalka, waxaana dilkiisa ka dambeeyay rag dhalinyaro ah oo bistoolado ku hubeysan.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Naaleeye ayaa la sheegayaa in dhowr rasaas ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa.

Dilka ayaa la sheegayaa inuu yimid kadib markii kooxaha hubeysan ay marxuumka ku amreen inuu iska soo dhiibo Mobile uu xilligaasi watay, balse uu ka dhego adeegay, taasina ay keentay in isla goobtaasi lagu dilo.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa la sheegayaa inuu ahaa nin ka ganacsan jiray gawaarida.

Ciidamo ka tiran dowladda Soomaaliya ayaa isla markiiba soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka bilaabeen howlgal baaritaano ah.

Illaa iyo haatan ma jirto cid loo soo qabtay ama sheegatay dilka ninkaasi ganacsade ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan dilalka ceynkaan oo kale ah ayaa la sheegaa inay geystaan kooxaha Alshabaab, balse ma ma jirto cid illaa iyo iminka sheegatay dilkaas.

error: Content is protected !!