Wararkii ugu dambeeyay fatahaada wabiga Shabelle ee B/weyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay inta badan xaafadaha ku yaalla magaaladaasi uu si weyn ugu fatahay wabiga Shabelle.

Dhammaan waddooyinka isku xira xaafadaha magaalada B/weyne ayaa la sheegayaa inay haatan ka taagan tahay dhibaato adag, iyadoona ay taasi keentay inay nolol adag wajahaan dadkii deegaanka.

Mid ka mid ah dadka ku nool magaalada B/weyne oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in dadka shacabka ah badankood ay ka baxeen guryahooda islamarkaana ay isugu tageen deegaanka Ceel-jaalle oo dhinaca bari kaga beegan magaalada B/weyne.

Dadka ka barakacay gudaha magaalada B/weyne  oo aan lahadalnay ayaa inoo sheegay inay haysato xaalad adag, iyagoona codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Hiiraan iyo guddiga ka hortagga iyo xakameynta fatahaadda magaalada B/weyne ayaa la sheegayaa inay haatan ku howlan yihiin xakameynta biyaha wabiga, iyagoona dadka shacabka ah ugu baaqaya inaysan magaalada ka barakicin.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlay ayaa isna uga digay dadka shacabka ee magaalada B/weyne in cidii barakac sameysa, aysan wax gurmad ah ku heli doonin duurka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan magaalada B/weyne ka socda dadaalo xoog leh oo lagu xakameynayo biyaha wabiga Shabelle, ee burburka baaxadda leh ka geysanaya magaaladaas.

error: Content is protected !!