Al-shabaab oo magacawday guddi ka kooban 7 xubnood

Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeeysay magacaawday guddi ka kooban 7 xubnood oo isugu jira mas’uuliyiin, waxgarad iyo cullimo, kuwaas oo la socon doonna xaaladda cudurka Coronavirus ee COVID-19.

Bayaan ay soo saartay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in guddigaan ay si taxadar leh ugu kuur-gali doonaan cudurkas, iyadoona bayaanka uu u qornaa sidatan:-

“Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee ku soo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Korona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacalladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasada iyo Wilaayaatka ee Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin”

error: Content is protected !!