War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay 24 qof laga baaray cudurka coronavirus ee COVID-19 islamarkaana laga helay 13-ruux.
Wasaaraddu waxay sheegtay 13-ka ruux ee cudurka laga halay 6 ka mid ah ay yihiin rag, halka 7-da kalena ay dumar yihiin, kuwaas oo ay da’dooda u dhaxeeyso 23-illaa 33 sano.
5 ka mid ah dadka cudurka laga helay ayaa waxay ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo, halka 4 ruux kale ay joogaan Boosaaso, iyadoona 4-ta ruux kalena ay joogto magaalada Garoowe.
Wadarta guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada Puntland ayaa gaartay 111 ruux, waxaana illaa iyo haatan la xaqiijiyay inay geeriyootay 5 qof, halka 3 kalena ay ka bogsatay.
Maalintii shalay ayay ahayd markii wasiiradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ay sheegtay in dalka oo idil laga diiwaan-geliyay 1,219 xaaladood, hase ahaatee la fillayo in saacadaha soo aadan ay tirada intaasi ka badato.
Si kastaba ha ahaatee, cudurka COVID-19 ee coronavirus ayaa u muuqda mid si xowli ah ugu sii faafaya geyiga Soomaalida, xilli ay dadka Soomaaliyeed u muuqdaan kuwa weli iska dhego tiraya tallooyinka ay waaxaha caafimaadka jeedinayan.