Diyaarado lagu buufinayo Ayaxa oo lasoo gaarsiiyay Muqdisho (SAWIRO)

Howlgal lagu buufinayo Ayaxa islamarkaana ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda FAO ayaa lagu wadaa in dhawaan uu ka bilawdo gudaha dalka.

Illaa labo diyaaradood ee nooca Helicopters-ka loo yaqaano ayaa maanta lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhinaca hawada ka buufin doonna deegaanada Soomaaliya ee uu Ayaxa faraha ba’an ku hayo.

Hay’adda cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO oo mashruucaan fullineysa ayaa waxaa maal-gelinaya Hay’adda USAID ee Mareykanka, taas oo bixisay kharashka diyaaradaha lagu soo kireeyay.

Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay labadaasi diyaaradood ee Helicopters-ka, kuwaas oo buufinta Ayaxa loo adeegsan doonno.

error: Content is protected !!