Faahfaahin:- Dagaal xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo habeenkii xalay ka dhacay xaafada Zona-K oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkaasi oo socday muddo daqiiqado ah ayaa sida la sheegay u dhaxeeyay ciidamo ka kala tirsan milateriga iyo kuwa booliska Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in labadaasi ciidan ay ku dagaalameen khaad si qarsoodi ah lagu soo geliyay magaalada Muqdisho, kaas oo ay dhawaantaan joojisay dowladda federaalka Soomaaliya, si looga hortagga cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Illaa 4 askari, oo uu mid ka mid ah yahay sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay dagaalkaasi ku geeriyootay.

Sarkaalka geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Daahir Sheekh Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidaan oo kale dagaal xoogan uu ku dhex maraa ciidamo ka kala tirsan militeriga iyo kuwa booliska Soomaaliya.

error: Content is protected !!