Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa lagu magacaabay Taliyaha ciidanka madaxtooyadda iyo ku-xigeenkiisa.
Wareegtadda oo lasoo dhigay barta Facebook ee madaxtooyadda Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in G/sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha ciidanka madaxtooyada.
Sidoo kale, Gaashaanle Sarre C/risaaq Axmed Cali ayaa wareegtada loogu magacaabay Taliye ku-xigeenka ciidanka madaxtooyada Puntland.
Hoos ka akhriso Wareegtada
Garoowe : 14, May, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.
2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.