Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay gobolka Sh/hoose

Wararka naga soo gaaray deegaanka Lambar 60 ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaankaasi.

Weerarkaasi oo ahaa mid gaadmo ah oo ay Shabaabku soo qaadeen ayaa isku badalay dagaal toos ah, iyadoona labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay si xoog leh u maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen, balse aysan xaqiijin karin qasaaraha kala gaaray labadaasi dhinac.

Xiriiro kala duman aynu isku daynay inaynu la sameeyno saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaanan inoo suurto galin.

Si kastaba ha ahaatee, weerarka ay Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Lambar 60 ayaa kusoo beegmaya xilli taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sheegeen in holwgallo ay ku dileen saraakiil sare oo ka tirsan Shabaab ka fulliyeen gobolka Sh/hoose.

error: Content is protected !!