Khilaaf soo kala dhex-galay madaxda sare ee Puntland (CADDEYN)

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa si kulul uga hor yimid magacaabid uu sameeyay madaxweyne Siciid C/laahi Deni, isagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

Wareegto uu soo saaray madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash ayuu ku sheegay inaysan waxba ka jirin magacaabida taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo ku-xigeenkiisa ee uu maalinkii shalay ku dhawaaqay madaxweyne Siciid C/laahi Deni.

Wuxuu Axmed Karaash tallaabadaasi ku tilmaamay mid aan isaga lagala tashan, taasoo ka hor-imaaneysa dastuurka Puntland, isagoona dhinaca kale sheegay in G/sare C/qani Maxamed Xarbi uu weli yahay taliye ku-xigeenka ciidanka madaxtooyada Puntland, una hoggaansamin xil ka qaadista madaxweyne Deni.

Si kasta ha ahatee, waa markii labaad ee uu soo shaac baxo khilaafka madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Ahmed Karaash, waxayna arrintaan salka ku heysaa wada shaqeyn la’aan iyo madaxweyne Deni oo go’aanada uu qaadanayo aan kala tashan ku-xigeenkiisa.

error: Content is protected !!