Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari laga soo dhacay Galmudug

Taliska ciidanka booliska gobolka Mudug ee dhinaca maamulka Puntland ayaa shaaciyay inay gacanta kusoo dhigeen gaari nooca raaxada ah, kaas oo ay sheegeen in laga soo dhacay deegaan ka tirsan maamulka Galmudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa lagu sheegay in gaariga la qabtay uu yahay nooca Probox-ka, kaasi oo todobaad kahor laga soo dhacay deegaanada Galmudug.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in soo qabashada gaariga ay ku timid wada-shaqeyn buuxda oo dhex-martay laamaha amniga gobolka iyo shacabka magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland.

Taliska qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland waxey ku guuleysteen inay soo qabtaan gaarigii Probox-ka ahaa ee laga soo dhacay Galmudug, taliska booliska waxey xoojin doonaan wada-shaqeeynta laamaha amniga ee Galmudug iyo Puntland ee gobolka Mudug” Sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka booliska gobolka Mudug ee Puntland.

error: Content is protected !!