Dowladda Soomaaliya oo go’aan kasoo saartay dacwada badda ee maxkamadda ICJ

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda ee kala dhexeeysa Kenya, kaas oo ay markii seddaxaad Kenya codsatay in dib loo dhigo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya inay dooneyso in muranka Badda ee labada dal lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo mar la weeydiiyay in dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda ee kala dhexeeysa Kenya, sababo la xiriira cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa ku jawaabay in maxkamadda ICJ ay soo saartay qoraal ay ku sheegtay in shaqadeedii ay kusii wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka islamarkaana ay dacwadaha sidaasi ku dhageysan doonto.

“Bisha June dalal dhowr ah ayaa dacwadahooda lagu dhageysanayaa maqal iyo muuqaal, illaa iyo hada hal kiis ayay ku dhageysatay, markhaatiyo way ku dhageysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa annaga waan ka hor imaanay, waana diidnay mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya waxa weeye inaan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee aduunka, laguna dhageysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah” Sidaasi waxaa yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa illaa iyo haatan wax war oo rasmi ah kasoo saarin arrinta ku saabsan waraaqahaan ay ku kala aragtida duwan yihiin iyaga iyo Soomaaliya oo labadooduba u direen maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa todobaadka dambe la filayaa in maxkamadda caalamiga adduunka ee ICJ ay go’aan ka gaarto codsiga ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamadaas ee ICJ.

error: Content is protected !!