Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur iyo 3 ka mid ah illaaladiisa.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay qaraxii maanta ee Gaalkacyo ayaa sheegay inuu aad u cambaareynayo qaraxaasi islamarkaana uu ka tacsiyeeynayo.

Wasiir Maareeye ayaa marka hore uga tacsiyadeeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed dhamaan dadkii shacabka ahaa ee qaraxaasi ku dhintay iyo sidoo kale guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur iyo 3 ka mid ah illaaladiisa.

Allaha u naxariistee, guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur iyo 3 ka mid ah illaaladiisa ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta gobolka Mudug.

Dhinaca kale, Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Si kastaba ha ahaatee, 29-ka bishii Maarso ee sanadkaan ayay ahayd markii qarax ismiidaamin ah lagu dilay guddoomihii gobolka Nugaal C/salaan Xasan Xirsi (Gu’jir), kaas oo ay sidoo kale Shabaabku sheegteen.

error: Content is protected !!