Faahfaahin:- Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland oo ku dhintay qarax ka dhacay Gaalkacyo

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagula beegsaday guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.

Qaraxa oo duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta gobolka Mudug ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday mooto-bajaaj laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa islamarkaana lagu dhuftay gaari uu saarnaa guddoomiyaha.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur iyo 3 ka mid ah illaaladiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa haatan ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana sidoo kale jira dad shacab ah oo wax ku noqday qaraxaas.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii qarax ismiidaamin ah lagu dilay gudoomiyihii gobolka Nugaal C/salaan Xasan Xirsi (Gu’jir), kaasoo ay Alshabaab sheegatay.

error: Content is protected !!