Faahfaahin:- Dowladda oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Sh/hoose

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa duqeyn diyaaradeed oo aad u xoogan ka fulliyay deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay howlgal maalintii shalay ay ciidankaasi huwanta ah si wadajir uga fulliyeen nawaaxiga Kuunyo Barrow ee gobolka Sh/hoose lagu dilay 2 ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in duqeyntaasi aysan wax shacab ah wax ku gaarin, islamarkaana la bartilmaameedsaday oo kaliya xubnaha Al-shabaab ee halkaasi ku sugan.

“Dowladda federaalka iyo bahwadaageeda Mareykanka ayaa si aad uga taxadara illaalinta waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah inta lagu gudo jiro duqeymaha habeysan, Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku dhaawacantay” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, marka laga soo tago qoraalka ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa illaa iyo iminka la xaqiijin karin cidda kale ee duqeymahaasi waxyeeladda kasoo gaartay.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay oo ay ciidanka dowladda iyo kuwa Mareykanka ee AFRICOM duqeymo diyaaradeed ka fulliyaan deegaano ka tirsan gobolada dalka, kuwaasi oo la sheego in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, balse ay sidoo kale waxyeelo kasoo gaarto dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

error: Content is protected !!