Wafdi uu hoggaaminayo Jeneral Odawaa oo maanta gaaray Dhuusamareeb (SAWIRO)

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wafdigaan uu horkacaayo Jeneral Odawaa ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah taliyaha dhawaan loo magacaabay qeybta guud ee booliiska Galmudug Jeneral Bishaar Abshir Geedi iyo taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad Jeneral Mascuud Maxamed Warsame .

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb wafdigaasi kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug, wuxuuna taliyaha ciidanka xoogga salaan sharaf ka qaatay ciidamada qalabka sida.

Saraakiishaan ayaa markii dambe loo galbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

error: Content is protected !!