Wararkii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay 34 qof laga helay xanuunka.

Marwo Fowziya Abiikar ayaa sheegtay 24-kii saac ee lasoo dhaafay in illaa 11 qof ay ka bogsadeen xanuunka, iyadoona 1 qof uu u geeriyooday.

Kiisaska ugu badan ayaa waxaa laga diiwaan geliyay Somaliland oo laga helay 18 xaaladood, halka gobolka Banaadir laga helay 14 iyo Hirshabelle oo laga helay 2.

Guud ahaan tirada dadka maanta laga helay cudurka, 21 kamid ah waa rag, halka 13-ka kalena ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ee gudaha dalka Soomaaliya ayaa gaartay 1,455 xaaladood, dhimashaduna waa 57 qof, halka 163 qofna ay kasoo bogsadeen.

Marwo Fowziya Abiikar ayaa ugu dambeyn ku baaqday in si wadajir ah looga qeyb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka feyraska COVID-19, islamarkaana wacyi gelinta iyo tallooyinka caafimaad si sax ah loogu dhaqmo.

error: Content is protected !!