Askari ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu dilay degmada Afgooye

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa dhalinyaro ku hubeysan bistoolado oo gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ku dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in dilka askarigaasi ay geysteen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bistoolado, kadibne ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobtaasi gaaray ayaa howlgalo baaritaano ah ka sameeyay goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona kadib goobta ka qaaday meydka askariga la dilay.

Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay ama loo soo qabtay dilka askarigaasi, wuxuuna dilkaan qeyb ka yahay dilalka qorsheysan oo inta badan ka dhaca xaafadaha ku yaalla degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

error: Content is protected !!