Faahfaahin:- Dagaal ka socda deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal aad u culus oo deegaanka Taaroge ee gobolka Mudug haatan ku dhexmaraya ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkaasi oo weli socda ayaa illaa iyo haatan la ogeyn waxa uu salka ku haayo, balse ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa dhowr jeer hore arrimo la xiriira aano hore iyo dhul ku dagaalamay.

Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona uu jiro khasaare xoogan balse aan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay.

Dhinaca kale, ma jirto wax war ah oo kasoo kala baxay saraakiisha amniga ee labada dhinac, iyadoona goobta uu dagaalka ka socdo weli laga maqlaya hubka la isku adeegsanayo.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii labo maleeyshiyo beeleed uu deegaanka Taaroge ee gobolka Mudug dagaal ku dhexmaray, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!