Faahfaahin:- Diyaadaha Kenya oo duqeyn ka geystay gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay duqeyn xoogan u geysteen deegaano ka tirsan gobolkaas.

Duqeynta ayaa sida la sheegay ka dhacday deegaanka Cows-Quran oo u dhaxeeysa degmooyinka Ceel-waaq iyo Baardheere ee gobolka Gedo.

Mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Cows-Qurun oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in duqeynta ay fulliyeen diyaaradaha dagaalka ee Kenya, islamarkaana uu khasaare ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeyntaasi ku geeriyootay qof haweeney ah iyo labo caruur oo ay dhashay, iyadoona sidoo kale uu ku dhaawacmay qof kale.

Ilaa haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa duqeynta ay ciidamadda Kenya uga geystaan deegaanada ku yaalla gobolada dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!