Labada gole ee baarlamaanka oo go’aan kasoo saaray doorashada dalka

Kullan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqadii loo igmaday inta ugu badan ay guddigaasi u qabsoontay, islamarkaana inta dhimane ay dhawaan dhinacooda kasoo wareegi doonto.

Guddoonka labada golle ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa gudigaan amray inay dadajiyaan dhameytirka hab-raacyada doorashooyinka Qaranka, si aanay doorashadu dib u dhac ugu imaan.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ah guddoomiyaha guddigaasi ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay ay haatan gacanta ku hayaan, isla markaana ay guddoonka dhawaan kusoo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka ka hor 27-ka bishaan aynu ku jirno, maadama maalintaas baarlamaanka ay hortagayaan guddiga doorashada qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa 27-ka bishaan baarlamanka federaalka hor imaan doonno guddigga doorashooyinka Qaran, si ay usoo bandhigaan nooca doorasho ee uu dalka galayo iyo qaabka loo qaban doonno.

error: Content is protected !!