Madaxweyne Deni oo si rasmi ugu biiray urur siyaasadeedka KAAH (SAWIRO)

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray urur siyaasadeedka KAAH, ee dhawaan laga dhisay Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sida la sheegay tagay xarunta ururka KAAH, iyadoona uu halkaasi kusoo dhaweeyay guddoomiyaha KMG ee ururka iyo xubno ka tirsan ururkaas.

Madaxweyne Deni ayaa markii dambe u gudbay qeybta diiwaan-gelinta, wuxuuna halkaasi si rasmi ah isu diiwaan geliyay, si uu u noqdo xubin ka tirsan urur siyaasadeedka KAAH.

Qorsheyaasha iyo siyaasadda madaxweyne Deni ayaa waxaa ka mid ahaa hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland, waxaana ay puntland muddo 7 bilood ah kusoo dhistay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah oo shaqooyin muuqda ku qabtay waqti aad u yar, waxaana illaa iyo haatan Puntland ka diiwaan-gashan illaa 17 urur siyaasadeed.

error: Content is protected !!