Axmed Madoobe oo jawaab ka bixiyay go’aankii ay dowladda ugu aqoonsatay madaxweyne KMG

War-saxaafadeed jawaab ah oo kasoo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay go’aankii maanta ay dowladda federaalka Soomaaliya muddo 2 sano ah madaxweyne KMG ugu aqoonsatay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaysan jirin cid si gaar ah go’aan uga gaari karta muddo xilleedka iyo doorashooyinka maamul goboleedka Jubbaland.

“Ma jirto cid si gaar ah go’aan uga gaari karta muddo xilleedka iyo doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, si sharci ah ayaa loo maraa arrinkaasi”.

Sidoo kale, maamulka Jubbaland ayaa caddeeyay inay ka qey-galeyso shirarka looga arrinsanayo arrimaha masiiriga sida doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka, deyn cafinta iyo la-dagaalanka argagixisada.

Ugu dambeyn war-saxafadeedka ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay soo dhaweyneyso baaqii Aqalka Sare ee ahaa in doorashada dalka xilligeeda lagu qabto.

error: Content is protected !!