Liiska mas’uuliyiinta DF Soomaaliya uga qeyb galaysa shirka Jabuuti

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti uu ka furmo shirkii ugu horeeyay oo ay dalkaasi ku yeelanayaan madaxda Soomaaliya iyo Somaliland.

Shirkaasi oo uu shir guddoomin doonno madaxweynaha dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sida la sheegay soo abaabushay dowladda Mareykanka.

Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya islamarkaana uu hoggaaminaayo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay gaaraan magaalada Jabuuti, kuwaas oo kala ah:-

1- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

2- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh

3- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

4- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye

5- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta C/rashiid Maxamed Axmed

6- Wasiir Ku-xigeenka Dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi

7- Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim

8- Xeer Ilaaliyaha Guuud ee Dalka Suleymaan Maxamed Maxamuud

9- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista Dastuurka Maxamed Daahir Faarax.

Si kastaba ha ahaatee, shirkaasi ayaa sidoo kale lagu casuumay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wakiilo ka kala socda urur goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo Midowga Yurub, iyadoona aan weli la shaacin ajendaha shirkaasi looga hadli doonno.

error: Content is protected !!