Madaxtooyadda Soomaaliya oo faah-faahisay war-murtiyeedka shirka Jabuuti

Qoraal kasoo baxay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay war-murtiyeedka kasoo baxay shirka maalintii shalay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti uga furmay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Qoraalkaan ayaa yimid kadib markii dowladda Jabuuti iyo IGAD maalintii shalay ay soo saareen war-murtiyeed ka dhex muuqday inay wada hadleen labo dal.

War-murtyeedkaasi ayaa waxaa si cad uga hor yimid dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoona dowladda Jabuuti iyo IGAD ay markii dambe dib ka saxeen, balse war-murtiyeedkii hore ayaa ahaa mid ku faafay baraha ay bulshadu ku xariirto.

War-murtiyeedka cusub ee DF Soomaaliya iyo Somaliland.

Iyada oo ku timid dadaal uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, iyo hoggaamiyayaasha gobolka ee ay ka mid yihiin:

Mudane Abiye Axmed Cali, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland.

Waxaa kulan wadatashi ah lagu qabtay caasimadda Jabuuti bishan 14ka Juun 2020 si gacan looga geysto sidii hoggamiyeyaasha DFS iyo Somaliland ay dib ugu sii ambaqaadi lahaayeen wadahadalladii iyo xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Hoggaamiyeyaasha ayaa garawsan muhiimadda doorkii Jabuuti ay ku leedahay dadaallada nabad dhisidda iyo nabad ku soo dabaalidda gobolka. 

Ka hor inta aan la iskugu imaan kulankan taariikhiga ah, waxaa hore u soo qabsoomay dhowr wadaxaajood oo natiijooyin badani aanay ka soo bixin.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wafdi ay sii ambaqaadaan wadahadallada u dhexeeya labada dhinac, isla markaasna ay ka sii shaqeeyaan arrimaha wali dhiman ee la isla qaatay.

Kulanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in Jabuuti ay noqoto madasha shirarka farsamo ee labada dhinac.

Waxaa lagama maarmaan ah in danta labada bulsho ay udub dhexaad u noqoto hanaankan wadahadal.

Kulankani wuxuu ku boorrinayaa dhammaan gobolka, qaaradda iyo hey’addaha caalamiga ah inay taageeradooda u muujiyaan hannaankan. 

Kulanka ayaa ku qabsoomay Jabuuti14 June, 2020.

DHAMMAAD

error: Content is protected !!