Madaxweyne Deni oo sheegay inaysan aqoonsan doonin natiijada shirka Jabuuti

Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni oo maanta furay kalafadhigii 46-aad ee baarlamanka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inaysan marnaba aqbali doonin natiijo kasto oo kasoo baxda shirka dalka Jabuuti uga soconaya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay wada-hadal kasta oo dhex-mara dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, islamarkaana aan wax door ah laga siin Puntland aysan marnaba aqoonsan doonin, maadaama ay xuduud la wadaagto Somaliland.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa ku baaqay in gebi ahaanba la laalo sharciga doorashooyinka heer federaal, oo ay dhawaan ansixiyeen golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana uu saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ayiday baaqii kasoo yeeray Aqalka Sare ee ahaa in saamileeyda siyaasadda dalka ay isugu yimaadaan shir looga arrinsanayo hannaanka loo wajahayo arrimaha doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay danno siyaasadeed oo gaar ah ay ka leeyihiin sharciga doorashooyinka, iyagoo diiday sida uu yiri inay wadahadal isugu yimaadaan madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada.

error: Content is protected !!