Baarlamaanka Jubbaland oo aqbalay codsi uga yimid Axmed Madoobe

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa sheegaya in kulan ay maanta halkaasi ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ay uga doodeen codsi uga yimid madaxweyne Axmed Madoobe.

Kulankaasi oo ay inta badan kasoo qeyb-galeen xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyahooda Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan iyo sidoo kale labadiisa ku-xigeen.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ka codsaday in loo kordhiyo waqtiga uu golahiisa wasiirada cusub kusoo dhisayo.

Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa ugu dambeyn aqbalay codsiga madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna muddo 90 maalmood ah ugu dareen xilliga uu golihiisa wasiirada kusoo dhisayo.

error: Content is protected !!