DEG DEG:- Baarlamaanka oo goordhaw ansixiyay xeerka degaameynta kuraasta

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka degaameynta kuraasta golaha shacabka iyo aqalka sare.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa daqiiqado kahor ku dhawaaqay natiijada codeynta, wuxuuna sheegay in 144 xildhibaan ay ogolaatay, waxaana ka aamustay 4 mudane, iyadoona sidoo kalena ay diiday 2 xildhibaan oo kaliya.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shaaciyay in xeerka degaameynta kuraasta baarlamaanka uu sidaasi ansax ku yahay.

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii lasoo dhaafay qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa cabasho ka muujiyay in kuraastooda la geeyay deegaan aan aheyn deegaankooda.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!