Faahfaahin:- Dagaal ka dhacay magaalada B/weyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qeyb ka mid ah halkaas uu habeenkii xalay ka dhacay dagaal xoogan u dhaxeeyay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahanadda Al-shabaab.

Dagaalkaas oo socday muddo kooban ayaa sida la sheegay yimid, kadib markii dagaalyano ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaano Bacaadaha.

Labada dhinac ayaa sida la sheegay isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, inkastoo aan weli la xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay, maadaama ay aheyd xilli habeen ah oo ay dadka badankood hurdayeen.

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga qeybta 27-aad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarkaasi Al-shabaab, iyagoona tilmaamay inaysan illaa iyo haatan ogayn qasaaraha ka dhashay dagaakaasi.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa dhowr jeer hore weeraro kala duwan ku qaaday saldhigyada ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin magaalada B/weyne, kuwaas oo intooda badan ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

error: Content is protected !!