Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray garoonka ciyaaraha ee Muqdisho (SAWIRO)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray garoonka ciyaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii lasoo gaba-gabeeyay dib u dhis ballaaran oo garoonkaasi lagu sameeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xafladda furitaanka ee garoonka Muqdisho ku wehlinayay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku-simaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed, gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka qeyb-galay furitaanka ciyaartii ugu horeeysay oo garoonkaasi lagu furay, isagoona laaday kubaddii ugu horeeysay, waxaana ciyaartii ugu horeeysay garoonkaasi ku ciyaaray kooxaha Horseed iyo Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku guuleysatay dib u dhiska xarumo kala duwan oo danta guud ah, kuwaasi oo uu xarigga ka jaray madaxweyne Farmaajo.

error: Content is protected !!