 |
NAVIGATION |
 |
 |
BBC SOMALI |
 |
 |
VOA SOMALI |
 |
 |
FIND US ON FACEBOOK |
 |
 |
Random media |
 |
 |
SOMALI LINKS |
 |
 |
WORLD NEWSPAPERS |
 |
|
 |
Maxaa saakay ka jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
May 15 2013 07:33:28
|
 |
Waxaa saakay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ka taagan xaalad culus oo ka bedalan midii hore, iyadoona guud ahaan magaalada jawi cusub iyo sidoo kale xaalad ka bedalan tii hore lagu soo toosay.
Magaalada oo dhan ayaa waxaa lagu soo daadiyay ciidamo farabadan oo amaanka sugaaya, waxaana sidoo kale saakay bandoow uu ka jiraa xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Isgaarsiinta magaalada Kismaayo saakay hadana mar kale ayaa hawada laga saaray, waxaana la filaayaa in magaaladaasi ay gaaraan xubno la sheegay in Midowga Afrika ay ka socdaan, laakiinse uljeedkooda iyo wax ay kala yihiin nalooma sheegin.
Saraakiisha maamulka Kismaayo ayaa sheegaaya in qorshooyin balaaran ay maanta jiraan, laakiinse qorshooyinkaasi aan xilligaan saxaafadda loo bandhigi doonin, balse waxa jira lama oga.
Magaalada Kismaayo maalmahaan dambe xaaladeeda habeen iyo maalin waxay ahayd mid kasii dareeysay, waxaana magaalada kusoo badanaayay amaro ay soo rogaayaan maamulka KMG ka jira halkaasi ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
FIIRO GAAR AH:- Xuquuqda qoraalkaan wuxuu u gaar yahay oo kaliya warbaahinta Bulshoweyn.com, si amar la'aan ah looma qaadan karo lamana baahin karo ama si kale looma isticmaali karo qoraaladeena ama warbixinadeena, adigoo wax fasax ah aadan ka heeysan maamulka warbaahinta Bulshoweyn.com.
FADLAN QORAALADEENA HA XADINA, ILAAHAY KA CABSADA.
Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.
|
 |
Post Your Comments |
 |
|
    
 |
Login |
 |
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|