HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Wednesday, May 04, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DHAGEEYSO:- Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay safarkii madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee degmada Taleex.
Posted by Caagane on August 28 2013
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay booqasho uu madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/samad Cali Shire uu dhawaantaan ku tagay degmada Taleex ee gobalka Sool.

Faysal Cali Waraabe oo shalay gelinkii dambe shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inuu si aad u kulul u cambaareeynaayo daan-daansiga Puntland ay ka wado deegaanada Somaliland.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland ay haatan iyada laftirkeeda ku taagan tahay hal lug islamarkaana ay faraha kala baxaan arimaha Somaliland iyo daan-daansiga ay ku hayso Somaliland, isagoona arimahaasi ku eedeeyay inay tahay habacsanaan laga dareemay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo).

Wuxuu sheegay dowladda Siilaanyo ay ka gaabisay inay difaacdo ama ilaaliso xuduuda Somaliland, waxaana uu ka digay in hadii aan la difaacan deeganada maamulka Somaliland ay suurtagal noqon doonto in deeganadaasi lagu arki doono ciidanka AMISOM.

Faysal Cali Waraabe ayaa dhinaca kale digniin u diray madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, isagoona uga digay inuu joojiyo qaska iyo jahwareerka uu ka wado deegaanada Somaliland, ama hadii kale ay godkiisa biyo ugu soo gali doonaan, islamarkaana uu arimahaas ka shalayn doono.

Wuxuu ugu baaqay shacabka reer Puntland inay ka dhii-dhiyaan daan-daansiga uu maamulka Faroole ka wado deegaanada Somaliland, kaas oo uu ku sheegay inay wax u dhimi doonto nabad-gelyada deegaanadooda iyo Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/samad Cali Shire uu booqasho ku tagay degmada Taleex ee gobalka Sool, taas oo u muuqanaysa in Somaliland iyo Puntland ay ku tartamayaan gacan ku haynta degmadaas, oo haatan gacanta ku haaya maamulka Khaatumo State.

HALKAAN KA DHAGEEYSO HADALKA FAYSAL CALI WARAABE

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved