HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Tuesday, February 09, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DHAGEEYSO:- Hooyo Soomaaliyeed oo ka sheekeynaysa dhacdo xun oo iyada iyo canugeeda qabsatay.
Posted by Caagane on August 28 2013
Waxaa gelinkii dambe ee maalintii Isniinta ahayd dab aad u xoogan oo qasaare geeystay uu ka kacay mid ka mid ah xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, iyadoona dabkaasi damintiisa ay si weyn uga qeyb qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xeradaasi oo ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee dabka ka kacay ayaa sida la sheegay waxay ku taalaa xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana gebi ahaan gubtay guryihii cooshashka ka sameeysnaa ee xeradaasi ku yaalay.

Ka dib markii uu dabka halkaasi ka kacay waxaa islamarkiiba goobtaasi gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo halkaasi kula hadlay warbaahinta, iyagoona sheegay inay baaritaan ku sameeyn doonaan waxyaabaha dhaliyay dabkaas iyo wixii qasaare ee ka dhashay.

Dadkii qasaaraha kasoo gaaray dabkaasi ayaa waxaa ka mid ah ahayd hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xabiibo Sheekh Axmed iyo canugeeda yar, waxaana ay sheegtay in dabkaasi ay ku gubatay xilli ay isku dayday inay soo badbaadiso canugeeda, inkastoo ay labadoodaba badbaadeen.

Waxay sheegtay xilliga uu dabka ka kacaayay xerada ay ka maqneed, balse markii ay soo noqotay ay aragtay meeshii oo dhan oo gubaneeysa, waxayna markaasi ku carartay aqalkeeda oo xilligaasi gubanaayay islamarkaana uu ku dhex jiray canugeeda yar, waxayna sheegtay inay ku guuleeysatay in canugeeda ay badbaadiso, balse wixii agab ee ka yaalay gurigeeda ay gubteen.

HALKAAN KA DHAGEEYSO HADALKA HOOYADA SOOMAALIYEED

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved