HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Tuesday, February 09, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Banaanbax aad u culus oo maanta ruxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.
Posted by Caagane on August 31 2013
Banaanbax aad u balaan oo ay ka qeyb galeen waxgarad, odayaal, haween, caruur iyo dhalinyaro ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, waxaana uu banaanbaxaasi ahaa mid looga soo horjeeday dowladda Soomaaliya.

Dadkii isugu soo baxay banaanbaxaasi ayaa waxay ku hadaaqayeen ereyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, waxaana sida la sheegay banaanbaxaasi soo abaabulay odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Banaanbaxaasi ayaa si gaar ah waxaa looga soo horjeeday heshiiskii dhex maray dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Jubba, kaas oo dhawaantaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay sheegeen inay waayeen kaalin ay sheegen inay ku lahaayeen gobalada Jubooyinka, waxaana ay ku tilmaameen heshiiskii Addis Ababa mid si xaqdaqo ah u dhacay islamarkaana ay si aad uga soo horjeedaan.

Goobta uu banaanbaxa ka dhacaayay ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka gobalka Bay iyo sidoo kale ddayaasha beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana ay halkaasi ka sheegeen inay si buuxo kalsoonida ugala laabteen dowladda Soomaaliya.

Odayaashaas ayaa sidoo kale ku goodiyay in qof mas'uul ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya aanay imaan karin deegaanada gobalada Bay iyo Bakool iyagoona dhinaca kale baaq u diray dhamaan mas'uuliyiinta kasoo jeeda gobaladaasi oo xilalka ka haaya dowladda Soomaaliya, iyagoona ugu baaqay inay iska casilaan jegooyinkooda.

Dhawaan ayaa waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya heshiis ku kala saxiixday dowladda federaalka Soomaaliya iyio maamulka KMG ee Jubba oo hogaamiyaha ka ah Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved