HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Wednesday, February 10, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Xarakada Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin sarkaal ah oo hore iyaga uga tirsanaa.
Posted by Caagane on August 31 2013
Xarakada Al-shabaab ayaa xukun dil ah ku fuliyay nin sarkaal hore iyaga uga tirsana ahaa islamarkaana markii dambe ku biiray ciidamada dowladda Soomaaliya, kaas oo ay sheegeen inay kasoo qabteen xilli uu maraayay deegaanka Kabsuuma ee gobalka J/hoose.

Ninkaasi xukunka dilka ah lagu fuliyay oo lagu magacaabo Axmed Garaad Cali ayaa da'diisa lagu sheegay 29jir, waxaana uu hore ahaa sarkaalkii Xarakada Al-shabaab ee u qaabilsanaa degmada Wanlaweyn ee gobalka Sh/hoose, isagoona ka dib isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa degmadaasi, ka dib markii la dhaawacay.

Xukunkaan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay fagaare weyn oo ku yaala degmada Jilib ee gobalka J/dhexe, waxaana halkaasi usoo daawasho tagay dadweyne badan oo ay Al-shabaab ku wargeliyeen inay goobtaasi yimaadaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa ninkaan waxay kala degeen gaari gaari shacab ah uu saarnaa, kaas oo kusii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose, isagoona ka dib la saaray maxkamada Al-shabaab ee Jubooyinka ka dibna xukunkaan dilka ah ku xukuntay.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay oo Xarakada Al-shabaab xukun dil ceynkaan oo kale ah u geeystaan dadka ay u arkaan inay kasoo horjeedaan aragtidooda ama ku aragti ah dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved