HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Dil ka dhacay magaalada Hargeysa iyo gacan ku dhiiglihii falkaasi ka dambeeyay oo gacanta lagu dhigay.
Posted by Caagane on September 02 2013
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa waxay sheegayaan in habeenkii xalay halkaasi lagu dilay qof rayid ah, iyadoona gacan ku dhiiglihii dilka ka dambeeyay gacanta lagu soo dhigay.

Marxuumka la dilay oo lagu magcaabi jiray Cumar Cusmaan Nadiif (Cumar Baraf) ayaa sida la sheegay ka mid ahaa dhalinyarada ku dhaqan magaalada Hargeysa, waxaana la dilay xilli uu ku sugnaa agagaarka buundada weyn ee magaaladaas.

Dilkaasi ka dib waxaa goobtaas soo gaaray ciidamada amaanka ee magaalada Hargeysa, waxaana baaritaano ka dib u suuro gashay in gacanta ku dhiiglaha ay gacanta kusoo dhigaan islamarkaana halkaasi laga qaado dhaawacii marxuumka oo markii dambe ku geeriyooday isbitaalka guud ee magaaladaas.

Ninka dilka geeystay ayaa la sheegay inuu ku hubeeysnaa bistoolad, lamana oga sababta uu ninkaasi u toogtay, iyadoona ciidamada amaanka ee magaalada Hargeysa ay haatan ninkaasi gacanta ku haayaan islamarkaana ay baaritaano ku haayaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland kusoo badanaayay dilalka ka dhacaaya magaaladaasi, iyadoona sida muuqata ciidamada amaanka ee halkaasi ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dilalka ka dhacaaya halkaasi.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved