HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Monday, February 15, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO SAWIRO:- Al-shabaab oo soo bandhigtay meydad iyo guryo madaafiic lagu garaacay.
Posted by Caagane on September 03 2013
Dhawaan ayaa waxaa dagaal aad u xoogan uu ka dhacay deegaanka Koron-bood oo qiyaastii 10km dhinaca koonfurta kaga beegan degmada Qansaxdheere ee gobalka Bay, kaas oo sida la sheegay u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa Itoobiya iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah.

Dagaalkaasi ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ay deegaankaasi ku lahaayeen Xarakada Al-shabaab, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaasi ayaa waxaa ka dhashay qasaare xoogan waxaana ay Al-shabaab bartooda Internetka kusoo bandhigeen sawiro muujinaaya in guryo ay ku sheegeen inay shacab deganaayeen ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya la dhaceen madaafiic xoogan.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen meydad ay sheegeen inay ahaayeen ciidamada Itoobiya oo weerarka halkaasi kusoo qaaday, kuwaas oo meydadkaasi ka cararay ka dib markii ay sheegeen inay si xoog badan ay isaga caabiyeen.

Guryahaan burburay ayaa sida muuqata ka sameeysan jiingado, waxaana sida aad sawirada uga jeedaan ka muuqdo burbur aad u xoogan oo ay soo gaarsiiyeen madaafiicdii halkaasi ku dhacday.



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved